4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Golaha Wasiiradda Soomaliya oo ansixiyay sharciga Siyaasadda Qaran ee Qaxootiga soo Guryo-noqonaya

 

Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee Qaxootiga soo  Guyo-noqonaya iyo Barakacayaasha, Xeer Nidaamiyaha Qaran ee ka saaridda  dadka hoyga ama dhulka ay deggan-yihiin iyo baratakoolka ku Meel-gaarka  ee qeybinta dhul hoy u noqda dadka muteysta ee qaxootiga soo  Guryo-noqonaya.

Shirka golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay  billaabidda wajiga labaad gurmadka Fatahaada oo ka kooban, amniga guud  ee dalka iyo howl-gallada lagu baacsanayo wax ay ugu yeereen Argagaxisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]