4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Shirkadda Xawaallada Amaana oo bilaawday bixinta deeq lacageed oo la gaarsiinayo dadka ay fatahaadu saameysay


Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Magaalada Beledweyne waxaa soconaya wali gurmadka kala duwan ee loo fidinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaadii dhawaan ku dhufatay guud ahaan magaalada kuwaa oo wali aan dib u soo guryo noqon.

Hadaba shirkadda Xawaallada Amaana ayaa bilaawday bixinta deeq lacageed oo loogu tala-galay in ay gaarto 3000 ruux oo isugu jira kuwii ka barakacay magaalada iyo qoysaskii ku go'doomay xaafaddaha ee aan helin wali gargaarkii ay u baahnaayeen.

Madaxa Shirkadda Xawaallada Amaana ee gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Xalane ayaa u sheegay HOL in maalintii labaad ay wadaan bixinta lacagtan oo qofkiiba la siinayo $ 50 dollar.

Waxaa uu intaa ku daray in qeyb ka mid ah lacagtan ay ka soo gaartay Shaqiyaad ku dhaqan dalka Australia gaar ahaan magaalooyinka Sydney  iyo nagaalada galbeedka ku taala ee Perth taasoo hadda qeyb ka ah dhaqaalaha ama gurmadka shirkadda Amaana ay gaarsiineyso dadka tabaaleysan ee u baahan in la gaargaaro.

''Meelaha hadda aynu gaarnay waxaa ka mid ah deegaanka Ceeljaale oo ay ku barakaceen dadka ugu badan ee ka baxay xaafaddaha magalada iyo Xaafadda Kooshin oo aan u dooranay in ay ku nool yihiin dad iyagu awoodi waayay in ay biyaha ka baxaan kuna dhax go'doomay, sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in aynu gaarno dadka ka baxay deegaannada hareeraha Wabiga ee u barakacay Tuulooyinka fogfog'' ayuu yiri Xassan Ibraahim Xalane.

Marka laga soo tago dhimashada ka dhalatay Fatahaada saaameynta  kale ee ugu daran oo ay hadda qoysasku wajahayaan ayaa ah burbur ku dhacay guryihiin ay ku noolaayeen oo qaarkood ay la tageen biyaha, waxaana jira qoysas badan oo ay ku adag tahay waqtiga dib u dhiska guryihii ay Fatahaadu ka dumisay kuwaa oo laga yaabo in ay waqti badan ku qaadato in ay dib u soo guryo noqdaan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]