4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jabriil oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

 

Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa guddoomiye cusub u doortay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jabriil isaga oo ka guuleystay labo musharax kale oo xilkan kula tartamay.

Doorashada ayaa wareegii labaad waxaa isugu soo haray Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in wareegii labaad  uu helay Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil 46 cod halka musharaxa labaad Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan  Maxamed uu helay 17 Cod, waxaana sidaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku noqday Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Guddoomiyaha cusub oo hadlay ayaa balanqaaday in uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono guuud ahaanba xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ilaalinaya sharciga iyo dastuurka dowlad gobolleedka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]