4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo kala ah Shuceyb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Xuseen.

Labadan dhalinyaro ayaa loo heystaa inay ka qeyb qaateen dilal ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo geystay askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Eedeysanaha koowaad Saadaq Cabdijabaar ayaa loo heystaa inuu ka mid ahaa Al-Shabaab, gaar  ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan, waxaana lagu qabtay dilka  Marxuum Ex Dable Maxamuud Xasan Ibraahim oo la dilay bishii March ee  sanadkan 2019.

Eedeysanaha kale Shuceyb C/llaahi Maxamed ayaa isna loo heystaa dilka 3 askari iyo qof shacab ah oo ka ganacasanayay Hilibka, waxaana Maxkamadda ku soo eedeysay inuu siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho illaa saddex askari laga soo bilaabo sanadkii 2017 illaa 2018.

Shceyb ayaa si gaar ah loogu soo eedeeyay inuu dilay Saddex askari oo lagu kala magacaabo  Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017 iyo Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018,, halka Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) uu dilay taariikhda marka ay aheyd 27/11/2018, waxaana uu sidoo kale  dhaawac xabadeed uu u  gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys, kuwaasoo iyana loo heysto falal xiriira amni daro ka qeyb qaadashada d

Labadan Eedeysane ayaa loo heystaan inay qorsheynayeen dilka gabar  qaadka ka ganacsatada, waxaana ka fashilmay isku dayga dilkooda, kaddib  markii Ciidamo ka tirsan Booliska oo howlgal ku jiray ay gacanta ku  dhigeen raggan, xilli ay wateen mooto bajaaj, kuna hubeysnaayeen  Bastoolado, Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada uu ka qaadan karo racfaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]