4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, November, 14, 2019, (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya xalay lagu dilay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Usaama Xusseen Muuse.

Dad ku sugan degmada ayaa warbaahinta u sheegay in dilka Wiilkan dhalinyarada ah ay ka danbeeyeen ciidamo ilaalada u ah guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada Marka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in toogashadan timid kaddib markii uu muran soo kala dhaxgalay marxuumka iyo ciidamada ilaalada u ah guddoomiye ku-xigeenka oo markii horeba la sheegay in ay ahaayeen dad isku dhaw oo saaxiibo ah.

Dadka deegaanka ayaa siweyn uga xumaada dilka xalay ka dhacay degmada mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada gaar ahaan guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada oo ay dilkan ka danbeeyeen ilaaladiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]