4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo maanta la dooranayo

 

Khamiis, November, 14, 2019, (HOL)- Maanta Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo ay ku tartamayaan ilaa saddex musharax oo isku soo taagay qabashada xilkan.

Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa la filayaa in maanta ay kala saaraan xubnaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Puntland.

Doorashadan ayaa imanaya kaddib markii xilka guddoomiyaha laga qaaday 7dii bishan guddoomiye Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo xilkan hayay muddo 10 bilood ,waxaana uu sheegay in uu wali isagu yahay guddoomiyaha sharciga ah madaama xil ka qaadistiisa aan loo marin dariiq sharci.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa saakay ka socda diyaar-garoowgii ugu danbeeyay ee doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiilada, waxaana xusid mudan in saddexda musahrax ee xilkan ku tartamaya saacadihii ugu danbeeyay wadeen olole uu mid walba ku raadinayo codad uu ku soo bixi karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]