3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2019
Guddoomiye Mursal ‘’ Doorashada Soomaaliya waqtigeeda ayeey ku dhici doontaa

 

Khamiis, November, 14, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in doorashada soo socta ee Soomaaliya ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isaga oo meesha ka saaray dib u dhac ama muddo korarsi.

"Doorashada Soomaaliya xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa ,waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada", ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato Afar sano, marka Afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra'yi dhiibtaan sharciga doorashada.

Xulista guddiga doorashada ee barlamaanka uu magacaabay ayaa timid, kadib markii xukuumadda federaalka ay barlamaanka u gudbisay sharciga doorashada, taas oo keentay in golaha shacabka ay guddi u magacaabaan ka soo tala biixnta soo jeedinta dowladda.

Doorashada xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo haatan ay ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan la ogeyn qaabka ay u dhici doontaa doorashada iyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonto, arrintaas oo dad badan ay ka dhowrsugayaan.

Qaar ka mid ah Asxaabta dalka ayaa shaki ka qaba in madaxda xiligan joogta damacsan yihiin in ay waqti kale ku sii darsadaan muddo xileedkooda, iyaga oo arintaan uga digay in ay dhacdo, balse hadalka guddoomiyaha ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya shakigaa ay qabaan Asxaabta dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/14/2019 10:00 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo cilaaqaadkii labada dowladood.

11/14/2019 9:32 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in labadii sanadood ee madaxweyne Biixi xilka hayey wax dalka ka dhaca mooyee aanay jirin wax usoo kordhiye,waxaanu xusay in loo baahan yahay wadatashi qaran sidii qaranka looga badbaadin lahaa madaxweynaha.

11/14/2019 8:25 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada.

11/14/2019 7:06 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Magaalada Beledweyne waxaa soconaya wali gurmadka kala duwan ee loo fidinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaadii dhawaan ku dhufatay guud ahaan magaalada kuwaa oo wali aan dib u soo guryo noqon.

11/14/2019 3:39 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa guddoomiye cusub u doortay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jabriil isaga oo ka guuleystay labo musharax kale oo xilkan kula tartamay.

11/14/2019 3:30 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo kala ah Shuceyb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Xuseen.

11/14/2019 12:13 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019, (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya xalay lagu dilay Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Usaama Xusseen Muuse.

11/14/2019 12:11 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Garoowe uga qeybgalaya shir looga hadlayo arrimaha maaliyada dalka oo maalmihii ugu danbeeyayba xubno ka tirsan Aqalka sare uga socda Garoowe.

11/14/2019 12:09 AM EST
Khamiis, November, 14, 2019, (HOL)- Maanta Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo ay ku tartamayaan ilaa saddex musharax oo isku soo taagay qabashada xilkan.