4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
Guddoomiyaha Barlamaanka JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Jigjiga

Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Waxaa maanta galinkii dambe magaalada Jigjiga soo gaaray Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Barlamaanka JFS Mudane Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wafdigan ayaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga waxaa kusoo dhaweeyay Masuuliyiin heer degaan ah oo u horeeyo Af hayeenka Baarlamaanka DDS Cabdi Maxamed Aadan.

Haddaba Wafdigan ayaa inta ay degaanka ku sugan yihiin waxay kulamo la qaadan doonaan Mas'uuliyiinta degaanka u sareeya.


Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online