4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
Deeq ku sii jeeda magaalada Beledweyne oo ka anbabaxday magaalada Laascaanood

Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Deeq noocyo kala duwan oo hu' maacuun, Cunto iyo Lacag isugu jirta ayaa maanta ka amaba baxday magaalada Laascaanood taas oo ku sii jeeda magaalada Baladeweyne.

mewsinsideDeeqdan oo laga ururiyey bulshada qaybeheeda kala duwan, ayaa waxaa isu xilqaamay dhalinyaro iyo culimada magaalada Laascaanood taas oo la filayo in ay gaadho gobolka Hiiraan sida uu HOL u sheegay Maxamed Axmed Maxamed oo ka mid ahaa mutadawiciintii hawshan isku xilsaaray.
 
"Maanta waxaan diray agabkii aan diyaarinay aniga iyo laba xubnood oo kale beri baan baxaynaa wixii dhaqaale ahaana waan qaadaynaa si aan ugu wareejino gudiga hawshaa gacanta ku haysa" sidaa waxaa yidhi Maxamed oo intaas ku daray hadii loo baahdo oo xaaladu sii taagnaato waan wadaynaa hawsha xitaa miyiga ha gasho ayuu yidhi.
 
Odayaal Saxaafada la hadlay ambabixintii deeqdan ayaa si aad ah uga hadlay xanuunka ay ku hayso dhibaatada fatahaaduhu keeneen waxaanay Illaahay uga baryeen in u booga dhayo.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool