4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
Rabshado hor leh oo maanta ka bilowday magaalada Diridhabe

Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Saaka abaaro 8:00 subaxnimo ayay rabshado ka bilowdeen aagga Konel, Magaala, rabshadahan ayaa u dhaxeeya dhalinyaro Oromo iyo Axmaaro ah.

Sida Hiiraan Online u sheegeen dad ka ag dhaw aagga rabshaduhu ka socdaan waxaa xidhan oo albaabada loo laabay goobihii ganacsi ee ku yaalay Konel iyo Magaala, sidoo kale waxaa iyana xidhan suuqa u wayn ee Taywanka.

Waxaa jira dhaawacyo labada dhinac ah, iyadoo gaadiidka gurmadku uu aad usocdo goobaha ay rabshadu ka socoto. Waxaa mid aad loola yaabo noqotay inaysan wax Ciidan ah oo jooga meelaha ay rabshaddu ka socoto aysan jirin.

Lama oga waxa sababay rabshadahan maanta ka bilowday Diridhabe, inkastoo xurguf waayadan u dhaxaysay labada dhalinyaro ee Oromada iyo Axmaarada.

Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online