3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
Guddiga dib u howlgelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee Shaqada oo heshiis ku kala saxiixday Dooxa


Arbaco, November,13, 2019 (HOL)- Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar.

Heshiiska labada dal, waxaa la saxiixay sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo hawl geliyey dabayaaqadii bishii September ee sannadkan,kaddib markii Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey dalka Qadar halkaas oo uu kula kulmay mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka midyahay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka  Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.

Wasaaradaha Shaqada ee labada dal waxay soo magacaabeen  guddi ka kooban lix xubnood  oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Waxaa maalmahaan caasimadda Dooxa shir ku lahaa guddiga isku xirka iyo dib u hawl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee labada dal, waxaana xalay guddigu uu  saxiixay qorshe haw-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;

1.    In labada dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha dalka dibadiisa loo qaadayo.

2.    Waxaa la isla gartay in dawladda Soomaaliya qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono dalka Qadar sannadka 2022-ka.

3.    Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay  in Shaqaalaha Soomaaliyed uu u furanyahay suuqa shaqada ee dalka Qadar.

4.    Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5.    Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan xafiisyo ka masuul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a.    Soomaaliya waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b.    Sidoo kale dowladda  Qadar waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada guddi ayaa kullankooda hoosta ka xariiqay in sida u degdeg badan  ay hawshu loo billaabo si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira labada wasaaradood.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
11/13/2019 12:39 PM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah bulshada Soomaaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisu ka socon la'dahay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin xanaaqsan oo shaqo doon ah.

11/13/2019 11:53 AM EST
Arbaco, November 13, 2019 (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa si kulul uga hadlay muranka ka taagan xubnaha guddida cusub ee doorashooyinka oo laba xubnood la isku mari laayahay.

11/13/2019 9:40 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Waxaa maanta galinkii dambe magaalada Jigjiga soo gaaray Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Barlamaanka JFS Mudane Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

11/13/2019 9:10 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Deeq noocyo kala duwan oo hu' maacuun, Cunto iyo Lacag isugu jirta ayaa maanta ka amaba baxday magaalada Laascaanood taas oo ku sii jeeda magaalada Baladeweyne.

11/13/2019 7:48 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Saaka abaaro 8:00 subaxnimo ayay rabshado ka bilowdeen aagga Konel, Magaala, rabshadahan ayaa u dhaxeeya dhalinyaro Oromo iyo Axmaaro ah.

11/13/2019 7:41 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada amniga Puntland iyo maleyshiyaad ka amar qaata Ciise Maxamuud Yuusuf "Yulux"oo horey u ahaan jiray horjooge katirsanaa kooxihii burcad badeeda Soomaalida.

11/13/2019 3:07 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay guddoomiyihii deegaanka Cadeyga iyo ku-xigeenkiisa degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe

11/13/2019 1:03 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka.

11/13/2019 12:42 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi ayidday in haweeneyda la yiraahado Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi, saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales ka dagay dalka Mexico kuu ka helay magangalyo siyaasadeed.

11/13/2019 12:37 AM EST
Arbaco, November,13, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

11/13/2019 12:11 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)- Maanta oo Arbaco ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyay diiwaan-galinta musharixiinta xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo ilaa iyo hadda ay isku soo taageen saddex musharax.