3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2019
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo baaq u diray beesha caalamka isaga oo ku sugan magaalada Paris

 

Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka.

“Maalgelinta dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, waa in ayada lafteeda  loo arkaa inay ka mid tahay dadaallada la doonayo in lagu gaaro  Himilooyinka Horumarka Qaranka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali  Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qayb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseeda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd.

Dhinaca kale, Ra'iisal wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah mas'uuliyiintii caalamka ee ka soo qeybgashay kulanka ka dhacay Paris isaga oo kala hadlay xaalada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 
 













Click here
11/13/2019 12:39 PM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah bulshada Soomaaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisu ka socon la'dahay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin xanaaqsan oo shaqo doon ah.

11/13/2019 11:53 AM EST
Arbaco, November 13, 2019 (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa si kulul uga hadlay muranka ka taagan xubnaha guddida cusub ee doorashooyinka oo laba xubnood la isku mari laayahay.

11/13/2019 9:40 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Waxaa maanta galinkii dambe magaalada Jigjiga soo gaaray Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Barlamaanka JFS Mudane Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

11/13/2019 9:10 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Deeq noocyo kala duwan oo hu' maacuun, Cunto iyo Lacag isugu jirta ayaa maanta ka amaba baxday magaalada Laascaanood taas oo ku sii jeeda magaalada Baladeweyne.

11/13/2019 7:48 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Saaka abaaro 8:00 subaxnimo ayay rabshado ka bilowdeen aagga Konel, Magaala, rabshadahan ayaa u dhaxeeya dhalinyaro Oromo iyo Axmaaro ah.

11/13/2019 7:41 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada amniga Puntland iyo maleyshiyaad ka amar qaata Ciise Maxamuud Yuusuf "Yulux"oo horey u ahaan jiray horjooge katirsanaa kooxihii burcad badeeda Soomaalida.

11/13/2019 3:07 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay guddoomiyihii deegaanka Cadeyga iyo ku-xigeenkiisa degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe

11/13/2019 2:14 AM EST
Arbaco, November,13, 2019 (HOL)- Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar.

11/13/2019 12:42 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi ayidday in haweeneyda la yiraahado Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi, saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales ka dagay dalka Mexico kuu ka helay magangalyo siyaasadeed.

11/13/2019 12:37 AM EST
Arbaco, November,13, 2019 (HOL)-War ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

11/13/2019 12:11 AM EST
Arbaco, November, 13, 2019 (HOL)- Maanta oo Arbaco ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyay diiwaan-galinta musharixiinta xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo ilaa iyo hadda ay isku soo taageen saddex musharax.