4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Gaadhi lagu rasaaseeyay caawa agagaarka Jigjiga International Hotel

Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Gaadhi waday alaabo Kootarabaan ah ayaa caawa Ciidanka amniga ee Jigjiga ay rasaas ku fureen, gaadhigan ayaa marayay agagaarka Jigjiga International Hotel.

Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxaa rasaastaas ku dhaawacmay labo qof oo wadada marayay, waxaana lagu dawaynayaa hadda Isbitaalka wayn ee magaalada Jigjiga.

Dhaawaca lagu dawaynayo Isbitaalka ayaa waxaa booqday Masuuliyiinta Ciidamada amniga ee degaanka.

Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online
[email protected]