4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Lix xubnood oo ka mid ah guddida doorashooyinka oo la ansixiyey iyo labada xisbi mucaarad oo qaadacay

 

Talaado, November 12,  2019  (HOL )– Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey lix xubnood oo ka mid ah gudida cusub ee  doorashooyinka Somalililand, waxaana ka maqnaa xubintii xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Lixdan xubnood oo taariikhdoodda aqooneed laga akhriyey golaha ayaa si caqlabiyad ah mid waliba ugu ansixiyey inuu noqdo guddida doorashooyinka.

Lixdan xubnood laba ka mid ah oo uu madaxweyne Biixi soo xulay ayaa muran badan dhaliyey, taas oo keentay inay xisbiga WADDANI xubintoodii dib ula noqdeen ilaa meesha laga saaro labada xubnood, haseyeeshee labadii xubnood ee laga cabanayey waxay si rasmiya uga mid noqdeen guddida doorashooyinka.

Labadan xubnood ayaa kala ahaa Cabdirashiid Riyo raac oo lagu soo eedeeyey inuu ka mid ahaa xisbiga KULMIYE, halka Kaltuun Xasan Cabdi oo ku jirtay guddidi hore ee la bedelay, taas oo lagu haystay in aan dib loo soo celin xubin guddidii hore ku jirtay.

Xubnahna cusub ee guddida doorashooyinka ayaa sheegay inay si dhex ah u shaqayn doonaan,isla markaana dhaarta ilaahay qaban doonto hadii ay ka been sheegaan dhaarta iyo kiraabta illaahay.

Dhinaca kale, labada xisbi mucaarad ayaa sheegay in aanay marna ogolayn gudidaasi cusub ee ay ku jiraan labada xubnood ee laga cabanayey, waxaanay soo jeediyeen in talloqaran la iskugu iman doonno.

 

“Waxa ay labada xisbi qaaadaceen wada shaqaynta xubnaha lagu sheegay komishanka ee lagu keenay sifadda juujubka ah kaas oo loo maray dariiq sharcig baalmarsan.

Waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi ah oo lagaga arinsanayo xaalada uu dalkuu marayo oo masiirkiisu ummadu uu gabi ka laadaado.”ayuu lagu yidhi qoraal ka soo baxay labada xisbi ee mucaaradka ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.