3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Horumarka iyo Dadweynaha


Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nairobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aaanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha.

“Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanaddihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabkeenna ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka Caalamka ee horumarsan.

“Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.”

Madaxweynaha ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isagoo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed.

Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta.

Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online












Click here
11/12/2019 3:09 PM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Gaadhi waday alaabo Kootarabaan ah ayaa caawa Ciidanka amniga ee Jigjiga ay rasaas ku fureen, gaadhigan ayaa marayay agagaarka Jigjiga International Hotel.

11/12/2019 2:56 PM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa maanta billaabay mashruuca la qabsiga cimilada oo gacan ka geysanaya in bulshada miyiga ku nool ay helaan biya ku filan

11/12/2019 1:21 PM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Guddiga doorashada guddoomiyaha barlamaanka maamul goboleedka Puntland, ayaa maalinta berrito ah soo gabagabayn doona diiwaan galinta murashixiinta u taagan xilka guddoomiyaha barlamaanka.

11/12/2019 9:33 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqda looga joojiyay labo hay'ad Warbaahinteed oo dalka ka howlgali jiray

11/12/2019 9:20 AM EST
Talaado, November 12, 2019 (HOL )– Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey lix xubnood oo ka mid ah gudida cusub ee doorashooyinka Somalililand, waxaana ka maqnaa xubintii xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

11/12/2019 5:55 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM James Swan.

11/12/2019 4:48 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Warbixin ay soo saareen kooxda Khubarrada Qarramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lacago laaluush ah leysku weydaarsaday doorashadii December sanadki hore ee 2018 ka dhacday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/12/2019 2:51 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Iyadoo Saddexdii bilood ee ugu danbeysay Jabhad la baxday Cawaale ku jireen Bariga magaalada Boorama ayaa markii ugu horeysay waxaa warbaahinta la hadlay hoggaanka Jabhdan oo fariin u diray xukuumadda Somaliland

11/12/2019 12:35 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

11/12/2019 12:17 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL) Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda bilaabi doonaan sida uu hadalka u dhigey dhageysiga dacwad ka dhan ah hay’adda Socdaalka iyo Duulista Hawadda uu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran.

11/12/2019 12:07 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir labo cisho soconaya oo ay soo qaban-qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta dadka (UNFPA), waxaana lagu wadaa in kulanka looga arinsado qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.