3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Madaxweyne Erdogan oo ku wajahan Mareykanka

 

Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Warkan ayey wakaaladdu kasoo xigatay waaxda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa Arbacada kulan wadahadal ah la qaadan doona Mr Trump, isagoo ka arrinsan doona dhammaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladaha ka jira gobolka, gaar ahaan waddanka Suuriya, sida ay sheegtay waaxda isgaarsiinta ee xukuumadda Ankara.

Bayaanka ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Mareykanka ay isla meel dhigi doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Sidoo kale madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmi doona jaaliyadda Turkiga iyo Muslimiinta ku dhaqan Mareykanka.

Booqashadan ayaa daba socota heshiiskii ay Mareykanka iyo Turkiga  kala saxiixdeen 7-dii bishii October ee dhigayay in xoogagga kurdiyiinta  ee YPG ay si nabad ah dib uga gurtaan waqooyiga bari ee Suuriya, gaar  ahaan meesha uu Turkigu damacsan yahay inuu ka sameeyo aagga ka caaggan  dagaallada, Turkiga ayaa urur argagixiso ah u aqoonsan kooxdaas oo mar xulafo la ahayd Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 


 
 
 













Click here
11/12/2019 3:09 PM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Gaadhi waday alaabo Kootarabaan ah ayaa caawa Ciidanka amniga ee Jigjiga ay rasaas ku fureen, gaadhigan ayaa marayay agagaarka Jigjiga International Hotel.

11/12/2019 2:56 PM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa maanta billaabay mashruuca la qabsiga cimilada oo gacan ka geysanaya in bulshada miyiga ku nool ay helaan biya ku filan

11/12/2019 1:21 PM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Guddiga doorashada guddoomiyaha barlamaanka maamul goboleedka Puntland, ayaa maalinta berrito ah soo gabagabayn doona diiwaan galinta murashixiinta u taagan xilka guddoomiyaha barlamaanka.

11/12/2019 9:33 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqda looga joojiyay labo hay'ad Warbaahinteed oo dalka ka howlgali jiray

11/12/2019 9:20 AM EST
Talaado, November 12, 2019 (HOL )– Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey lix xubnood oo ka mid ah gudida cusub ee doorashooyinka Somalililand, waxaana ka maqnaa xubintii xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

11/12/2019 7:09 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

11/12/2019 5:55 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM James Swan.

11/12/2019 4:48 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Warbixin ay soo saareen kooxda Khubarrada Qarramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lacago laaluush ah leysku weydaarsaday doorashadii December sanadki hore ee 2018 ka dhacday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11/12/2019 2:51 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL)-Iyadoo Saddexdii bilood ee ugu danbeysay Jabhad la baxday Cawaale ku jireen Bariga magaalada Boorama ayaa markii ugu horeysay waxaa warbaahinta la hadlay hoggaanka Jabhdan oo fariin u diray xukuumadda Somaliland

11/12/2019 12:17 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL) Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda bilaabi doonaan sida uu hadalka u dhigey dhageysiga dacwad ka dhan ah hay’adda Socdaalka iyo Duulista Hawadda uu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran.

11/12/2019 12:07 AM EST
Talaado, November, 12, 2019 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir labo cisho soconaya oo ay soo qaban-qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta dadka (UNFPA), waxaana lagu wadaa in kulanka looga arinsado qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.