4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2019
Guddoomiye Baashe’’ Dhawaan waxaan bilaabeynaa dhageysiga dacwad ka dhan ah hay’adda Duulista Hawadda

 

Talaado, November, 12, 2019 (HOL) Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda bilaabi doonaan sida uu hadalka u dhigey dhageysiga dacwad ka dhan ah hay’adda Socdaalka iyo Duulista Hawadda uu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran.

Isaga oo la hadlayay Idaacada VOA ayuu sheegay in Maxkamadu tahay mid madaxa-bannaan oo go’aamadeeda meel kale looga soo yeerin, sidaa daraadeed bilaabi doonaan dhageysiga dacwada uga timid Xisbiga Himilo Qaran gaar ahaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

“Sharciga Garsoorka dalka waxaa uu qabaa haddii dacwad la soo gudbiyo inay u gudbiyaan cida laga dacwoonayay markii ay ka soo jawaabaana dacwada la guda galo” ayuu yiri

Waxaa uu xusay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Hay’adda Duulista iyo saadaasha Hawada.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in dacwadan ay tahay mid sharciga waafaqsan, isla markaana wax faragelin ah aysan kaga imaan madaxda dowlada iyo heyadaha fulinta dalka, kana iman Karin.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay hay’adda Duulista Hawadda in ay iska hortaagtay socdaal uu doonayay in uu ku tago magaalada Kismaayo bishii October xili uu doonayay in uu ka qeybgalo munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]