3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Hogaamiyaha xisbiga WADDANI oo sheegay in xilalkii ugu waaweyna loo wada dhiibay rag Militeri ah

 

Axad, November 10, 2019 (HOL) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu dalkii wada qabsadeen Militeri,isla markaana ka codsaday inay dadka u dhibirsanaadaan oo aanay ku qaban gacan adag.

Hogaamiye Xirsi ayaa sheegay in xilalka ugu waaweyn ee dalka loo wada dhiibay Militeri, waxaanu tilmaamay in militeriga loogu tallogalay cadowga balse muwaadiniintu aanay u baahnayn gacan adag.

“Waxa la moodaa inaynu wada Militeriga noqonay, oo madaxweynihii waa Militeri, wasiirkii arimahaa guduhu waa militeri, taliyihii ciidanka waxa loo soo bedelay taliye militeri ah, Taliyihii ciidanka asluubta waxa laga dhigay taliye militeri, militeriga cadowga loogu tallogalayey gacantii adkayd ee militeriga hoos u dhiga”ayuu yidhi xirsi.

Sidoo kale, waxa uu soo jeediyey in ciidanka mushaharka loo kordhiyo maadaama ay yihiin ciidanka Somaliland kuwo ugu mushaharka yar ee duruufta adag ku shaqeeya.

Hadalka hogaamiye Xirsi waxa ka jawaabay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, waxaanu sheegay in dalalkiii ay soo hogaamiyeen Militerigu ay meel fiican geeyeen, waxaanu tusaale usoo qaatay madaxweyneyaal militeri ahaa iyo halka ay gaadhsiiyeen.

“ Xirsi marka uu Militeriga la hadlayey inta kale wuu nagu toosinayee aniga iyo madaxweynaha ayuu ujeeday, waxaase ka maqan taariikhda aduunka ee dawladnimo iyo hogaaminta aduunyada raga qaabeeyey inay ahaayeen rag Militeri ah, Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka iyo dalalka horumaray madaxweyneyayaashii militeriga ahaa ee xukunka qabtay ayaa wax ka dhigay, barigii Militeriga Soomaaliya qabsaday kuwii ka dagaalamay baanu ahayn ee dadlka u dagaalamay, imikana ma gacan kululin cida maalin walba la hadal hayo waa anaga oo wali may dhicin inan yar iyo gabadh yar oo wax naga sheegtay in aanu maxkamdaha taagno ” , isagoo arrintaasi u jeeday Hogaamiye Xirsi oo markii uu wasiirka madaxtooyada ahaa xidhay gabadh wax ka sheegtay oo uu illaa maxkamadda la isla gaadheen.

Dooddan ayaa ka dhacay xafladii taliyaha cusub ee ciidanka Boolisku xilka la wareegayey, waxaana hadalo isku tuurtuurey masuuliyiintii madasha ka qaybgallay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
11/10/2019 11:20 AM EST
Axad, November 10, 2019 (HOL )– Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Dabagalle ayaa maanta si rasmiya ula wareeegay xilkii, isla markaana ka sheekeeyey waxyaaluhu qaban doonno.

11/10/2019 8:47 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan sida uu hadalka u dhigay shirkadda Diyaaraddii qaaday Wafdigii ay hogaaminayeen madaxweynayaashii hore Soomaaliya oo maata gaaray magaalada Beledweyne.

11/10/2019 8:30 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wafdigi madasha Xisbiyada Qaran ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

11/10/2019 5:20 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Waxaa Garoon dhaw Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka soo digtay diyaarad ay la socdeen wafdi ay horkacayaan madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku mideysan madasha Xisbiyada Qaran.

11/10/2019 4:09 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada.

11/10/2019 2:34 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Waxaa dib u dhac ku yimid safar uu maanta oo Axad ah magaalada Beledweyne ku iman lahaa Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre

11/10/2019 12:29 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay booqasho ku tagay degmada Bardaale ee gobolka Baay ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo heysto dadka ku dhaqan degmada.

11/10/2019 12:12 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Xusseen GeelSuge ayaa lagu magacaabay Maareeye cusub oo uu yeelanayo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.