3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland oo xilkii si rasmiya ula wareegay


Axad, November 10,  2019  (HOL )– Taliyaha cusub ee Ciidanka  Booliska Sareeyo Guuto Dabagalle ayaa maanta si rasmiya ula wareeegay xilkii, isla markaana ka sheekeeyey waxyaaluhu qaban doonno.

Munaasibadda uu xilka kula wareegayey waxa ka soo qaybgallay madax badan oo ayka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha Gudaha, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, xisbiga UCID iyo masuuliyiin badan.

Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale ) ayaa hadal kooban oo uu madasha ka jeediyey sheegay inay sharciga ku adkaan doonaan,isla markaana barbar wadi doonaan inuu boolisku la saaxiibo dadweynaha oo wada shaqayn ka dhexeysay.

“ waxaan ilaahay ka baryeyaa Inaan cadaalad ku maamuli doono oo daacad u noqon doono dadkayga iyo diintayda, ilaahay insha alla wuu noo fududeyn doonaa, dad badan baa I waydiiya hadii aad militeri tahay sideed ku maamuli karta booliska, qofku hadii uu aqoon ciidan soo maray wuu maamuli karaa oo xilal kala duwan baan soo maray oo hawlgalinta ciidanka Militeriga baan shan sanno, sifiican baan ula qabsan karaa”ayuu yidhi taliye Dabagalle.

Waxaanu intaas raaciyey “ Waxa lagu celceliyey in gacan qabow lagu maamulo shacabka, sharcigaan ku shaqayn doonaa oo waanu ku adkaan doonnaa, wixii sharcigu qabto gacan kulul baanu ku qaban doonnaa, saaxiibtinimada shacabka iyo booliska way garab socon doonaa waanu sii adkayn doonnaa,isku kaayo khaldami maayo ku shaqaynta sharciga iyo saaxiibtinimada shacabka.”

Taliye Dabagalle ayaa laga soo wareejiyey ciidanka Militeriga,isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Militeriga Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/axmaan Saylici ayaa saraakiisha ciidanka booliska usoo jeediyey inay taliyahooda la shaqeeyaan, waxaanu taliyaha ku guubaabiyey inuu taladda badsado oo uu saraakiisha dhagaysto.

Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey gudoomiyaha maxkamadda Sare, xeer ilaaliyaha guud, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka Biyaha, wasiirka xanaanadda xoolaha, labadda xisbi mucaarad iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantoodaba la dardaarmay taliyaha cusub.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.












Click here
11/10/2019 11:23 AM EST
Axad, November 10, 2019 (HOL) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu dalkii wada qabsadeen Militeri,isla markaana ka codsaday inay dadka u dhibirsanaadaan oo aanay ku qaban gacan adag.

11/10/2019 8:47 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan sida uu hadalka u dhigay shirkadda Diyaaraddii qaaday Wafdigii ay hogaaminayeen madaxweynayaashii hore Soomaaliya oo maata gaaray magaalada Beledweyne.

11/10/2019 8:30 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wafdigi madasha Xisbiyada Qaran ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

11/10/2019 5:20 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Waxaa Garoon dhaw Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka soo digtay diyaarad ay la socdeen wafdi ay horkacayaan madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku mideysan madasha Xisbiyada Qaran.

11/10/2019 4:09 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada.

11/10/2019 2:34 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Waxaa dib u dhac ku yimid safar uu maanta oo Axad ah magaalada Beledweyne ku iman lahaa Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre

11/10/2019 12:29 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay booqasho ku tagay degmada Bardaale ee gobolka Baay ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo heysto dadka ku dhaqan degmada.

11/10/2019 12:12 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Xusseen GeelSuge ayaa lagu magacaabay Maareeye cusub oo uu yeelanayo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.