11/17/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Madaxweyne Waare '' Waan la xisaabtameynaa Shirkadda Diyaaraddii qaaday Wafdiga madaxweynayaashii hore


 

Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan sida uu hadalka u dhigay shirkadda Diyaaraddii qaaday Wafdigii ay hogaaminayeen madaxweynayaashii hore Soomaaliya oo maata gaaray magaalada Beledweyne.

Waare ayaa sheegay in xalay lagu soo war-galiyay sida uu hadalka u dhigay safarka madaxweynayaashii hore, balse qeybo ka mid ah Garoonka ay biyo yaalleen sidaa daaraadeed ay adkeyd in diyaaraduhu ka deggaan.

Waxaa kaloo uu sheegay madaxweyne Waare in Hay’adaha qaabilsan dhinaca Hawada,sida UN-Ka iyo AMISOM ay  ku  wargeliyeen in xilligaan aan Garoonka diyaarad ku degi karin.

''Waxaan helay oo la ii soo diray warbixin ah in 600 oo mitir oo Run Way -ga ah gaar ahaan dhinac bidix ay biyo fadhiyaan sawiradda waa leyla soo wadaagay in aysan diyaaraduhu ku deggi karin gaar ahaan diyaaradaha waaweyn, arintan waxaan ku wargaliyay oo aan wacay subaxnimadii hore ee saakay madaxweyne Xassan Sheekh waan ka xumahay markii aan la wadaagay macluumaadkaas waxaa uu iigu jawaabay Adiga madaxweyne ayaa tahay maxaa kaa galay arintaas, Waa runtii Aniga howshaa kuma mashquulo, laakiin maanta madaama ay xasaasi aheyd, wafdiga socdana uu ahaa mid muhiim ah Labo madaxweyne hore, xildhibaanno iyo xaalada oo laga deyrinayo, safarkuna yahay mid sare go'aankaa ah degista iyo duulista diyaaradaha in aan aniga qaato ayeey ila noqotay ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa eedeyn gaar ah u jeediyay duuliyaha diyaaradaha oo sida uu hadalka u dhigay ahaa shaqsiga qaatay go'aanka ah in uu wafdiga ula safro magaalada Beledweyne isaga oo ku celcelinaya in uu ka degi karo Garoonka.

''Waxaan rabaa in aan halkan ka sheego wax kasta oo dhibaato ah oo arintaa ka imanaya waxaa kula xisaabtameynaa shirkadda iska leh diyaarada qaaday Wafdiga iyadoo la leeyahay Garoonkii laguma degi karo, waxey aheyd arin aan wanaagsaneyn oo waliba khatarteeda leh, sidaa daraadeed waxaan la xisaabtami doonnaa shirkadda diyaaradaa ka degtay magaalada Beledweyne'' ayuu yiri madaxweyne Waare.

Ugu dambeyn waxaa uu meesha ka saaray in wafdiga madaxweynayaashii hore loo diiday in ay ka degaan Garoonka diyaaradaha Beledweyne marka laga soo tago ayuu yiri caqabada ka jirta Garoonka oo ay adkeyd in ay ku degto diyaarad xamuul ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 










Click here
11/10/2019 11:23 AM EST
Axad, November 10, 2019 (HOL) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu dalkii wada qabsadeen Militeri,isla markaana ka codsaday inay dadka u dhibirsanaadaan oo aanay ku qaban gacan adag.

11/10/2019 11:20 AM EST
Axad, November 10, 2019 (HOL )– Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Dabagalle ayaa maanta si rasmiya ula wareeegay xilkii, isla markaana ka sheekeeyey waxyaaluhu qaban doonno.

11/10/2019 8:30 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wafdigi madasha Xisbiyada Qaran ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

11/10/2019 5:20 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Waxaa Garoon dhaw Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka soo digtay diyaarad ay la socdeen wafdi ay horkacayaan madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku mideysan madasha Xisbiyada Qaran.

11/10/2019 4:09 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada.

11/10/2019 2:34 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Waxaa dib u dhac ku yimid safar uu maanta oo Axad ah magaalada Beledweyne ku iman lahaa Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre

11/10/2019 12:29 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay booqasho ku tagay degmada Bardaale ee gobolka Baay ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo heysto dadka ku dhaqan degmada.

11/10/2019 12:12 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Xusseen GeelSuge ayaa lagu magacaabay Maareeye cusub oo uu yeelanayo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.