4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Wafdigii madasha Xisbiyada Qaran oo la kulmay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif

 

Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wafdigi madasha Xisbiyada Qaran ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Wafdigan oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan ay la qaateen Ugaas Xassan kala hadlay xaalada guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne oo dhawaan ay ku dhuftay Fatahaadii ugu cusleyd ee taariikhda inta la xasuusto soo marta magalada.

Gaar ahaan waxaa ay isla soo qaadaan sidii loo dardargalin lahaa gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaadda ee ku barakacay daafaha magaalada.\

Wali waxaa soconaya gurmadka kala duwan ee la soo gaarsiinayo magaalada Beledweyne madaama ay madasha Xisbiyada qeyb ka noqonayaan gargaarka socda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]