4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne

 

Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Waxaa Garoon dhaw Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka soo digtay diyaarad ay la socdeen wafdi ay horkacayaan madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku mideysan madasha Xisbiyada Qaran.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeele, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada oo saacadihii la soo dhaafayba ku sugnaa Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Inkastoo diyaaradan ugu danbeyntii ay ka degtay magaalada Beledweyne ayaa haddana warar soo baxaya sheegayaan in dhowr jeer dib uga laabtay kaddib markii ay weysay xiriirkii guud, tasoo keentay in ay u jiheysato dhinaca magaalada Muqdisho, balse markii danbe la xaliyay sababihii markii horeba keenay in ay degi -weydo diyaarada oo ilaa iyo hadda aan la sheegin.

Isla Wafdiga ayaa la sheegay in saacado kooban subaxnimadii hore ee saakay lagu xayiray Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qeyb ka ah gurmadka loo sameynayo dadka ay fatahadu ku dhufatay, waxaana socdaalkan wafdiga ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu noqonayaa mid loogu kuurgalayo xaalada guud ahaan magaalada iyo sida ay fatahaadu sameysay bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]