3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

 

Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka mid ah degmada.

Qoysaskii ku noolaa xaafaddaha Idha-Ceel iyo BagAbeeso oo mid ah xaafaddaha ugu caansan magaalada ayaa ka barakacay guryahoodii kaddib markii soo galleen daadad ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buula-burte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saacad walba biyuhu isa soo taranayaan, lagana yaabo in ay isku fidiyaan xaafado kale hore leh.

Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad uga sameeyay deegaano ka  tirsan degmooyinka,Baladweyne, Jowhar iyo Balcad, iyada oo dadkii  deganaa deegaannada uu fatahaada ka sameeyey ay barakaceen. 

Magaalada Beledweyne oo ah halka ugu darran ee Fatahaadu ku dhufatay ayaa hadda wax biyo ah laheyn kaddib markii uu hoos u dhac weyn sameeyay Wabiga Shabeelle. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
11/10/2019 11:23 AM EST
Axad, November 10, 2019 (HOL) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu dalkii wada qabsadeen Militeri,isla markaana ka codsaday inay dadka u dhibirsanaadaan oo aanay ku qaban gacan adag.

11/10/2019 11:20 AM EST
Axad, November 10, 2019 (HOL )– Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Dabagalle ayaa maanta si rasmiya ula wareeegay xilkii, isla markaana ka sheekeeyey waxyaaluhu qaban doonno.

11/10/2019 8:47 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan sida uu hadalka u dhigay shirkadda Diyaaraddii qaaday Wafdigii ay hogaaminayeen madaxweynayaashii hore Soomaaliya oo maata gaaray magaalada Beledweyne.

11/10/2019 8:30 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Wafdigi madasha Xisbiyada Qaran ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

11/10/2019 5:20 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Waxaa Garoon dhaw Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka soo digtay diyaarad ay la socdeen wafdi ay horkacayaan madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku mideysan madasha Xisbiyada Qaran.

11/10/2019 2:34 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Waxaa dib u dhac ku yimid safar uu maanta oo Axad ah magaalada Beledweyne ku iman lahaa Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre

11/10/2019 12:29 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay booqasho ku tagay degmada Bardaale ee gobolka Baay ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo heysto dadka ku dhaqan degmada.

11/10/2019 12:12 AM EST
Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Xusseen GeelSuge ayaa lagu magacaabay Maareeye cusub oo uu yeelanayo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.