4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Dib u dhac ku yimid safar uu Ra'iisal Wasaare Kheyre ku iman lahaa magaalada Beledweyne

 

Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Waxaa dib u dhac ku yimid safar uu maanta oo Axad ah magaalada Beledweyne ku iman lahaa Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre.

Wafdi hor dhac ah ahaa Ra'iisal Wasaaraha oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lagu war-galiyay in ay dib uga soo laabtaan kaddib markii uu Ra'iisal Wasaaruhu ka baaqday safarkii uu maanta ugu soo anbabixi lahaa Beledweyne.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan sababta baaqashada Ra'iisal Wasaaraha siweyn magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay magaalada soo gaaraan xubno ka tirsan madasha Xisbiyada Qaran oo ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed socdaalkaa oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka ay fatahaadu saameysay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]