4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2019
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ku baaqay in la gargaaro bulshada ku dhaqan degmada Bardaale

 

Axad, November, 10, 2019 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay booqasho ku tagay degmada Bardaale ee gobolka Baay ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo heysto dadka ku dhaqan degmada.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka, Maamulka Koonfur Galbeed  iyo Shacabka deegaannada Maamulkaas ay bixiyeen juhdi farabadan ,isla markaana ay kaalintooda ka qaateen caawinta dadka ka barakacay daadadka  ka dhashay roobkii ka da’ay gobolka Baay.

Balse dhinaca waxaa uu hay'addaha samafalka ugu baaqay in ay la yimadaan kaalintooda ku aadan sidii loo gargaari lahaa dadka ku dhaqan degmada Bardaale oo ay wax-yeelladu ka soo gaartay daadad ka dhashay roobab lixaad leh oo deegaanka ka da'ay.

Safarka Ra'iisal Wasaaraha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu ugu kuurgalayo xaalada deegaannada ay ku dhufteen Fatahaadaha, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in Ra'iisal Wasaaruhu qorsheynayo booqasho uu ku imanaya magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]