Axad, November, 10, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Xusseen GeelSuge ayaa lagu magacaabay Maareeye cusub oo uu yeelanayo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Maareeyaha cusub ee Garoonka ayaa loo magacaabay in uu noqdo Yuusuf Axmed Diiriye Dhaladheere oo ah Nin dhalinyaro ah mudana ku soo dhax jiray howlaha maamulka.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa xiligan marti-galinaya gargaarkii ugu badnaa ee ka imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo loogu talagalay dadka ay fatahaadu saameysay ee ku dhaqan magaalada Beeldweyne, balse marka dhinaca kale la eego caqabadaha ugu waaweyn ee xiligan uu wajahayo Garoonka ayaa ah in uu xirmo xiliyada roobab, waxaana soconaya qorshe la doonayo in dib u dhis loogu sameeyo.
Hoose ka akhriso wareegtada magacaabista :-
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]