
Talaado, May, 07, 2019 (HOL) – Hay'adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa soo bandhigtay sawirrada labo sarkaal oo la sheegay inay ka soo goosteen ururka al-Shabaab.
newsinsideLabada sarkaal ee la soo bandhigay ayaa la sheegay inay toddobaadyadii la soo dhaafay isku soo dhiibeen ciidammada dowladda,iyadoo war ay baahisay NISA lagu sheegay in 9 sarkaal ay toddobaadyadii la soo dhaafay iska soo dhiibay gobolka Gedo.
Xubnaha ka tirsan al-Shabaab lama soo bandhigin magacyadooda , balse waxaa la sheegay inay al-Shabaab u qaabilsanaayeen Maktabka Dacwada (Propagan-dada) iyo Maktabka Fursaanul Xizbiga.
Dowladda ayaa toddobaadyadii u dambeeyay sheegtay in xubno ka tirsan al-Shabaab ay iska dhiibeen magaalooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo xubnahaas diyaaraddo lagu keeno magaalada Muqdisho oo ay la wareegtay taliska NISA.
Ururka al-Shabaab kama aysan hadlin saraakiisha iyo xubnaha kale ee ay dowladda soo bandhigtay.
[email protected]