4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2019
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug iyo labo ku-xigeen
Guddoomiyaha loo magacaabay gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur
Guddoomiyaha loo magacaabay gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur

Sabti, May, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug.

Madaxweynaha wuxuu xilka guddoomiyaha gobolka Mudug u magacaabay ,Axmed Muuse Nuur  oo horey usoo noqday guddoomiye ku-xigeen.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynaha magacaabay labo guddoomiye ku-xigeen,iyadoo guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo magacaabay Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) , halka guddoomiye ku-xigeenka labaad loo magacaabay Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]