4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2019
Garsoorka gobolka Mudug oo la kala diray

Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto ku kala diray garsoorka gobolka Mudug.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in la rukhseeyey garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland wuxuu si kumeel gaar ah garoosaraha maxkamadda rajada koowaad ee Gaalkacyo uu u magacaabay Maxamed Maxamuud Jamaac oo ahaa garsoore maxkamadda derejada 1-aad ee degmada Xarfo.

Wax ka beddelka garsoorka gobolka ayaa yimid, kaddib markii cabasho badan laga gudbiyay hannaanka garsoorka ee gobolka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]