3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2019
Dowladda oo ku eedeysay maamul gobolleedyada diidmada sharciga Bartoolka

 

Sabti, May, 25, 2019 (HOL) -Wasiirka Wasaaradda Batroolka dowladda Soomaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo markii ugu horeysay ka hadlay sharciga Batroolka oo ay meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay maamul gobolleedyada in ay dano gaar ah ka leeyihiin diidmada sharciga ay ansixiyeen Golaha Shacabka.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ay sharcigaas u diideen maamul goboleedyada ay tahay inay ka waayeen dano u gaar ah, wuxuuna meesha ka saaray dooda madaxda maamul goboleedyada ee ah inaan laga tala gelin sharciga.

“Sharciga waan la wadaagnay, waana ka talo gelinay maamulada, Inta doodeysa ee ka soo horjeesatay waxay doonayaan waxyaabo gaar ah” ayuu yiri Wasiir C/rashiid oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubaland oo diidmo kala horyimid sharcigan waxey baaq u jeediyeen beesha Caalamka, iyagoo u sheegay in aysan aqoonsaneyn sharcigan oo Xukuumada kaligeed ay si gaar ah u maamulatay.

Sharcigan Batroolka oo ay meelmariyeen Golaha Shacabka ayaa ahaa qoddobkii leysku mariwaayay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Garoowe oo ay ku soo kala tageen madaxda ugu sareysa dalka iyo dowlad gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
5/25/2019 5:39 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug.

5/25/2019 5:33 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto ku kala diray garsoorka gobolka Mudug.

5/25/2019 2:13 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

5/25/2019 12:05 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) - Wasaarradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay hab raaca doorashooyinka la filayo dhawaan in ay dhacaan dowlad gobolleedyada qaarkood, iyadoo la filayo in bisha Agosto Jubbaland la qabto doorashada madaxweynaha maamulka.

5/25/2019 10:11 AM EST
Sabti, May, 25. 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho madaxweyne oo afar maalmood ah oo rasmi ah ku tagay dalka Japan kaasoo badi ku saabsan xaflad iyo sportis, inkastoo mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad uu ballan qaadayo “in ay jiri doonto waxyaabo muhiim ah oo lagu dhawaaqayo."

5/25/2019 7:34 AM EST
Sabti, May 25, 2019 (HOL)- Gudoomiyaha mucaaradka ah ee Xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu doonayo inuu mucaaradka madaxweyne Farmaajo uu la shiro oo uu tobabar siiyo sidii kursiga looga qaadi lahaa.

5/25/2019 6:26 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)- Wafdiga Somaliland ee ku suganaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay madaaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu sameystay jabhado hubeysan.

5/25/2019 4:33 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasoo 8-dii bishan May magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.

5/25/2019 2:53 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa sharci gaar u adeegsaday ogolaansha hub laga iibinayo Sucuudiga ,waxaanu ku sababeeyey khatarta kaga iman karta dalka ay colaadda dhextaal ee Iiraan.

5/25/2019 2:36 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Isimmada gobolka Mudug.

5/25/2019 2:26 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee dalka Koonfur Afrika ,Matamela Cyril Ramaphosa ayaa ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Pretoria ,iyadoo ay xafladda ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaal ka socda caalamka.

5/25/2019 1:52 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasarrada Arrimaha gudaha Somaliland Maxmed Kaahin Axmed oo maalmihii ugu danbeeyayba isaga iyo wafdi la socda ku sugnaayeen magaalada Nairobi, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu aheyn in ay ka faa’ideysanayaan khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.