4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2019
Madaxweyne Trump oo Booqanaya Japan

 

Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho madaxweyne oo afar  maalmood ah oo rasmi ah ku tagay dalka Japan kaasoo badi ku saabsan  xaflad iyo sportis, inkastoo mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad uu  ballan qaadayo “in ay jiri doonto waxyaabo muhiim ah oo lagu  dhawaaqayo."

Ka sokow fursadaha xagga sawirrada halkii heshiisyo laga sameyn lahaa ayaa noqon karta mid ula kac ah dhanka Ra'iisal Wasaaraha Japan Shinzo Abe, kaasoo xiriir dhow la lahaa Trump. Labada masuul ayaa kulmay ama ku wada hadlay telefoon in ka badan 40 jeer, taas oo "gabi ahaanba ah mid aan hore loo arag," sida uu sheegay Aqalka Cad.

Professor Tomohiko Taniguch oo ka tirsan jaamacadda Keio, oo ah nin u qayb sanaha ra'iisul-wasaaraha ee diyaarinta khubadda siyaasadda dibadda, ayaa sheegay in marka laga reebo munaasabadda booqashada, uu jiri doono nuxur yar.

Laakiin Taniguchi ayaa tilmaamay in Abe uu yahay hogaamiyaha shisheeye ee kaliya, kaasoo " saacado badan ku bixin kara inuu la hadlo Trump iyadoo aaney jirin qodobo diyaarsan, taas oo lasfsad ahaanteeda muujineysa qiimaha istiraatijiyadeed ee diblomaasiyadda Japan."

VOA