3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2019
Somaliland oo ku eedeysay madaxweyne Farmaajo in uu sameystay Jabhado hubeysan

 

Sabti, May, 25, 2019 (HOL)- Wafdiga Somaliland ee ku suganaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay madaaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu sameystay jabhado hubeysan.

Eedeyntan ayaa soo ifbaxay kaddib markii Wasiirka wax laga weydiiyay kulan ay magaalada Nariobi kula qaateen hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, balse taa badalkeeda waxaa su'aasha la weydiiyay Wasiirka ku soo booday in uu ka jawaabo guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah wafdiga Somaliland ee  ku sugan Nairobi isaga oo yiri '' Adeer Annaga na weydii annaga ayaa la kulannay Cabdiraxmaan Cabdishakuur  waxaan rabaa in aan  kuu sheego cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa, sidaa daraadeed Annaga cid walba oo ka takhluseysa xukunka Farmaajo weynu la kulmeynaa'' ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Laakiin Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed oo lagu celiyay su'aasha ayaa sheegay in uu ku raacsan yahay Feysal Cali Waraabe jawaabta uu bixiyay, isaga oo taa badalkeed ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu sameystay sida uu hadalka u dhigay Jabhado hubeysan.

''Farmaajo wuxuu sameystay Jabhado hubeysan oo rag la garanayaa ku jiraan oo uu doonayo in uu kula dagaalmo Somaliland, sidaa daraaadeed, waxba kuma jabna in aynu la kulanno cid kasta oo dowladda Farmaajo mucaarad ku ah ayuu ku jawaabay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Wafdiga Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo halkaa ka waday kulamo kala duwan oo siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 













Click here
5/25/2019 5:39 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug.

5/25/2019 5:33 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto ku kala diray garsoorka gobolka Mudug.

5/25/2019 2:13 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

5/25/2019 12:05 PM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) - Wasaarradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay hab raaca doorashooyinka la filayo dhawaan in ay dhacaan dowlad gobolleedyada qaarkood, iyadoo la filayo in bisha Agosto Jubbaland la qabto doorashada madaxweynaha maamulka.

5/25/2019 11:57 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) -Wasiirka Wasaaradda Batroolka dowladda Soomaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo markii ugu horeysay ka hadlay sharciga Batroolka oo ay meelmariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay maamul gobolleedyada in ay dano gaar ah ka leeyihiin diidmada sharciga ay ansixiyeen Golaha Shacabka.

5/25/2019 10:11 AM EST
Sabti, May, 25. 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho madaxweyne oo afar maalmood ah oo rasmi ah ku tagay dalka Japan kaasoo badi ku saabsan xaflad iyo sportis, inkastoo mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad uu ballan qaadayo “in ay jiri doonto waxyaabo muhiim ah oo lagu dhawaaqayo."

5/25/2019 7:34 AM EST
Sabti, May 25, 2019 (HOL)- Gudoomiyaha mucaaradka ah ee Xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu doonayo inuu mucaaradka madaxweyne Farmaajo uu la shiro oo uu tobabar siiyo sidii kursiga looga qaadi lahaa.

5/25/2019 4:33 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL)-Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasoo 8-dii bishan May magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.

5/25/2019 2:53 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa sharci gaar u adeegsaday ogolaansha hub laga iibinayo Sucuudiga ,waxaanu ku sababeeyey khatarta kaga iman karta dalka ay colaadda dhextaal ee Iiraan.

5/25/2019 2:36 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Isimmada gobolka Mudug.

5/25/2019 2:26 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee dalka Koonfur Afrika ,Matamela Cyril Ramaphosa ayaa ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Pretoria ,iyadoo ay xafladda ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaal ka socda caalamka.

5/25/2019 1:52 AM EST
Sabti, May, 25, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasarrada Arrimaha gudaha Somaliland Maxmed Kaahin Axmed oo maalmihii ugu danbeeyayba isaga iyo wafdi la socda ku sugnaayeen magaalada Nairobi, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu aheyn in ay ka faa’ideysanayaan khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.