4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2019
Trump oo hub qiimihiisu yahay 8 bilyan ka iibanaya Sacuudiga

Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa  sharci gaar u adeegsaday ogolaansha hub laga iibinayo Sucuudiga ,waxaanu ku sababeeyey khatarta kaga iman karta dalka ay colaadda dhextaal ee Iiraan.

Trump ayaa la geesmaray Congress-ka sharciyada hubkan , isagoo marka adeegsaday sharci si dhif ah loo adeegsado oo heer federal ah, si uu u meel mariyo heshiiskaa hubka lagu iibinayo oo qiimihiisu yahay 8 bilyan oo doollar.Wuxu tallaabadaa u qaaday si uu u caddeeyo in xiisadda Iran iyo Sucuudiga dhex taallaa noqotay arin ah xaalad degdeg ah oo qarankiisa la soo gudboonaatay.

Xubno ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa Trump , ku eedeeyey in sababta uu Congress-ka u baal maray tahay in iibka hubkaas oo ay ku jiraan gantaalaha aan waxba seegin iyo bambaanooyin kale yihiin kuwo Congress-ku si adag uga soo horjoogsan lahaa.

Wasiirka arimaha dibadda, Mike Pompeo ayaa Congress-ka ku wargeliyey go'aanka maamulka ee ah in hubkaa la iibinayo. Warqad uu u qoray oo warbaahinta Maraykanku aad u tebisay ayuu ku yiri "daandaansiga Iran" ayaa kalifaya in "si dhakhso ah looga iibiyo" hubkaa [Sucuudiga].

Hubkaas ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in laga iibiyey dalalka Imaaraat-ka iyo Urdun.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]