4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2019
Deni oo la kulmay Isimmada Mudug

Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo ku dhow toddobaad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Isimmada gobolka Mudug.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin is xog weraysi guud iyo sidii gobolka horumarkiisa looga shaqayn lahaa loona dardargelin lahaa horumarka gobolka ka socda.

"Isimmada Puntland ayaa laf-dhabar u ah nabad gelyada, xasiloonida, kala dambaynta Puntland ay hormuud ugu tahay guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale Isimada Puntland waxay door kii ugu muhiimsanaa ka qaateen aasaaskii Puntland, waxaana uu Madaxweynaha Puntland garawsan yahay in Isimada Puntland halbowle u yihiin dhismaha dhanwalba ee dalka." ayaa lagu yiri qoraal looga hadlay kulanka.

Wuxuu qeyb ka yahay kulanka madaxweynaha Puntland iyo Isimmada gobolka,kulamo uu madaxweynaha ka wadday magaalada Gaalkacyo oo booqashadii u horreysay uu ku jooga tan iyo markii la doortay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]