4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2019
Hoggaamiyeyaal ka socda caalamka oo ka qeybgalaya caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee Koonfur Afrika

Sabti, May, 25, 2019 (HOL) – Caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee dalka Koonfur Afrika ,Matamela Cyril Ramaphosa ayaa ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Pretoria ,iyadoo ay xafladda ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaal ka socda caalamka.

Madax Afrikan ah ayaa ku sugan Pretoria, oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay halkaas gaaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur gelaya xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gedaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]