4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
Xaflad lagu soo gagagabeeyay akhrinta Kutubo dhawr ah ayaa Jigjiga ka dhacday

 

Jimco, May, 24, 2019 (HOL) - Masaajidka Bilaal ee Magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad lagu soo gababaynayay Kutubo kala duwanayd oo akhrintoodu muddo 15 bari ah ka socotay masaajidkan. waxaana kutubtaas iyo Tababaro kala duwanba mudadaas bixinayay Macallimiin Degaanka u dhashay oo ka yimid Jaamacadda Madiina Al-Munawarah ee dalka Sacuudiga.

Haddaba Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb galay Culimo badan iyo Xubno ka socday Golaha sare ee Arrimaha Islaamka, Macallimiintii iyo waliba Ardaydii Kutubta loo akhriyay iyo Marti sharaf kale.

 

Gabagabadii Xafladda ayaa waxaa Shahaadooyin lasiiyay Ardaydii dhammaysatay Kutubtii la akhriyay oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waayadan dambe billaabay dardar hor leh oo dhanka Diinta Islaamka ah, iyadoo Masaajidda iyo goobaha lagu barto Diinta Islaamka ay dadku aad ugu badan yihiin, fursaddan oo aan horey u jirin degaanka ayay dadku aad usoo dhaweeyeen.

 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]