4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Koonfur Afrika

Jimco, May, 24, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

Ujeeddada socdaalka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay inuu uga qeybgalayo magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee dalkaas Cyril Ramaphosa.

Waxaa ku waheliya socdaalka madaxweyne Farmaajo , wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  Axmed Ciise Cawad,iyadoo sidoo kale la sheegay muddada uu dalkaas ku suganyahay inuu madaxweynaha la kulmaya hoggaamiyaha cusub Cyril Ramaphosa.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool jaaliyad Soomaali ah oo ganacsatado u badan,kuwaas oo dhibaato dil iyo dhac ah kala kulmo kooxo madowga ah ee dalkaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]