4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xaflad af-fursiin Ramadaan ah u sameeyay Safiirrada waddamada Islaamka iyo kuwa saaxiibada


Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maalintii shalay ee waxa uu xaflad af-fursiin ah u sameeyay Safiirrada Waddamada Islaamka, kuwa saaxiibada ah iyo Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo saraakiisha sare sare ee Wasaaradda.

Wasiir Cawad waxa uu caddeeyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay go'aan ku gaareen in ay xoojiyaan xiriirka laba geesoodka, saaxiibtinimada iyo isku xidhnaanta bulsho ee Soomaaliya la wadaagto waddamadaasi.

Danjire Cawad, waxa uu u sheegay safiirrada in martiqaadka cashada af-furka ah ay tahay fursad wanaagsan oo dib loogu xaqiijin karo ka go'naanta milgaha caalamiga ah ee ku suntan xushmad is dhaafsiga, midnimada, is cafiska , is oggolaanshaha iyo dadaalka wadajirka ah ee lagu raadinayo nabadda, cadaaladda iyo sharafta.

Waxa uu intaasi ku daray in xafladda af-fursiinta ah ee Wasaaraddu u qabato Munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan ay tahay dhaqan sannadeed lagu muujiyo tixgelinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo aqoonsigeeda ahmiyadda bishan fadliga u leh muslimiinta oo ay harayso naxariista iyo kalgacaylka. Wasiirku waxa uu u rajeeyay safiirrada iyo qoysaskooda inay ku naaloodaan farxad iyo caafimaad-qab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]