4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2019
Dad kale oo loo xir xiray falkii is qarxinta ahaa ee lagu fashiliyay degmada Guri-ceel

 

Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada maamulka degmada, kaddib weerarkii is qarxinta ee fashilmay ee la doonayay in maalintii shalay laga fuliyo munaasabad ay lahaayeen saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Qof soo xirtay Jaakada loo adeegsado is qarxinta ayaa gudaha u soo galay goobta ay munaasabada ka soctay, isaga oo gaar ahaan isku soo beegay halkii ay fadhiyeen saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna, balse uma suurtagalin in uu is qarxiyo kaddib markii sida la sheegay ay ka xumaatay farsamadii is qarxinta, iyadoo intaa kaddibna ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ahlu Sunna.

Wararkii ugu danbeeyay ka imanaya degmada ayaa sheegaya in ilaa shan ruux kale loo soo xir xiray arintan kuwaa oo la tuhusan yahay in ay qeyb ka ahaayeen abaabulka qofkan doonayay in uu is qarxiyo.

Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa degmada ka wada howlgal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan nabad-galyada, iyaga oo meelaha qaar baaritaanno ku sameynaya gaadiid iyo dadka intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]