Jimco, May, 24, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya
gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah
deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab, waxaana dhaqdhaqaaqyada ciidan
ee halkaa ka soconaya horkacaya madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed
Islaam Axmed Madoobe.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanno
ka tirsan Jubbada Hoose ayuu la kulmay Madaxweynaha,waxaana uu xalay ku hoyday
deegaanka Baar-sanguuni,waxana saraakiisha uu kala hadlay sidii loo qaadi lahaa
dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Ma’aha markii ugu horeysay ee uu madaxweynuhu
iclaamiyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee dhowr bilood ka hor ayuu
dagaal ku dhawaaqay,isaga oo waliba soo bandhigay dhoolatus ciidan balse aan
waxba ka hirgelin.
Kulamo kala duwan oo dhaxmaray saraakiisha ciidamada iyo madaxweynaha ayaa
ugu danbeyntii leysku afgartay in la qaado guluf dagaal oo ka dhan ah
Al-shabaab.
Deegaanno ka tirsan labada Gobol ee Jubbooyinka ayaa waxaa maamula Xubno ka
tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana mararka qaar ay weeraro kusoo qaadaan
Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.