4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka maaliyadda gobolka Banaadir.

"Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan." ayaa lagu yiri wareegtada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay ,Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday,sida ku cad wareegtada oo uu baahiyay xafiiska madaxweynaha.

Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]