4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Shan Safiir oo lagu magacaabay kulankii maanta ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya [Magacyada Safiiradda cusub]

 

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Kulankii Khamiislaha oo ay maanta yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay ilaa Shan Safiir oo uu ka mid yahay mas’uul horay uga tirsanaa xisbiga Kulmiye ee Soomaaliland  dhawaanna soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xubnaha loogu dalacsiiyay darajada safiirnimo ayaa waxaa ka mid ah Xassan Daahir Dhibil oo horay uga tirnaa xibiga tallaada haya ee Soomaaliland [Kulmiye] oo dhawaan isaga iyo xubno kale ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Xubnaha la magacaabay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Xubnahan maanta xilalka safiirnimo loo dalacsiiyay ayaa lagu wadaa in ay ku soo baxaan Digreeto madaxweyne iyadoo wasaaradda Arrimaha Dibadda ay diyaarin doonto warqadaha magacaabidooda iyo dalalka loo dirayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]