Khamiis, May 23, 2019 (HOL)- Hal qof ayaa lagu dilay
deegaanka Ceel-af weyn hoos yimaada ee gobolka Sanaag, taas oo keentay inay
dadkii deegaanku ka naxeen maadaama oo muddo dhow uun la dhameeyey dilal
beeleed ka dhici jirey deegaankaasi.
Tan iyo intii ay culimadda
Somaliland soo afjareen colaadii labada beelood ee deegaanka Ceel afweyn ka
jirtay muddo laga joogo shan bilood waa dilkii kowaad ee beelahan dhexdoodda ka
dhacdo.
Madax dhaqameedka uu ka soo jeeda ninkii dilka gaystay ayaa sheegay
inay gacan bir ah ku soo qaban doono gacan ku dhiiglaha, isla markaana aanu ku
dhex dhuuman doonin qof qof dilay, waxaanay beeshii qofka laga dilay ka
codsadeen in ay ka war sugaan inta la soo qabanayo dambiilaha.
Labadan beelood oo muddo saddex
sanno ah la xalin kari waayey colaadoodda, ayaa waxa loo xulay culimadda iyo
madax dhaqameedka Somaliland oo dhan waxaana lagu heshiiyey in qofkii qof dila
loo dilo, isla markaana aanay cidna sharciga gacanta ku qaadan ee marka dilku
dhaco beesha wax laga dilaa sugto inta wax laga qabanayo.
Dilkan ayaa yimid iyadoo magtii
dilalkii hore uga dhacay la kala qaadanayo oo beel waliba soo diyaarisay magtii
lagu xukumay.
Illaa hadda wax dhibaato kale ma
dhicin, waxaanay beesha uu ka soo jeedo gacan ku dhiiglaha laga sugayaa inay
sharciga soo horkeenaan, taas oo ay ballanqaadeen soo qabashada ninkaasi wax
dilay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.