4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Safiirka Shiinaha u fadhiya QM oo ka codsaday golaha ammaanka in Soomaaliya laga taageero amniga iyo sirdoonka

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey,Yao Shaojun oo hadal ka jeediyay kulan gaar ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay wali dalka ku yaalla geeska Afrika inuu u baahanyahay taageero ballaaran.

Danjire Yao Shaojun , ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay inay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay taageero dheeraad ah ka siiyaan xoojinta arrimaha amniga iyo dib u dhiska ciidammada.

Wuxuu inta ku daray in dowladda Soomaaliya loo fidiyo taageero dhinaca sirddoonka ah,taas oo uu sheegay inay sahli karto xakameynta weerarada ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

"Ammaanka Soomaaliya waxaa uu muhiim u yahay dalalka Geeska Afrika, xoojinta xasiloonida iyo amniga dalka waxay dan ugu jirtaa dalalka Gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka". ayuu yiri  Yao Shaojun.

Hadalkan ayaa ku soo aadday xilli ay dowladda Soomaaliya ka codsatay beesha caalamka in gacan laga siiyo dib u dhiska ciidanka , si dalku u gaaro isku filnaasho dhinaca ammaanka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]