4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2019
Nin dhalinyaro ah oo ku labistay dhar ka samaysan calanka Soomaaliya oo la hor keenay maxkamadda gobolka Maroodi jeex

 

Khamiis, May 23, 2019 (HOL)- Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii uu suuqa la yimid isagoo xidhan dhar ka samaysan calanka Soomaaliya ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodi jeex la hor keenay si loo dhagaysto dacwadiisa.

Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa toddoba cisho ah oo rumaan ah siisay ciidanka booliska iyo xeer ilaalinta si loo diyaariyo dacwadiisa loo haysto.

Wiilkan ayaa magaciisa la yidhaahda Cabdiraxmaan Aar, waxaanu gudoomiye ka ahaa ururka maxali ah ee qabyaaladiid, taas oo dadka ka wacdiyi jiray qabyaaladda.

Cabdiraxmaan Aar ayaa muddo lix cisho ah u xidhnaa dharka ka samaysan calanka Soomaaliya ee uu xidhnaa, waxaanu ku soo beegay wakhti loo dabaaldegayey 18 may oo ah maalinta Somaliland u dabaaldegaa madax banaanidda wadankoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.