3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Wargeys ka soo baxa Kenya oo sheegay dowladda Soomaaliya inay qorsheynayso ciidanka Kenya dalka in laga saaro

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-  Warbixin dheer oo lagu baahiyay wargeyska The Star  oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay dadaal ku bixinayso sidii hoos loogu dhigi lahaa ciidanka AMISOM kuwa Kenya ee qeybta ka ahna looga saari lahaa dalka.

Dadaallada ay dowladda Soomaaliya arrinta ku dooneyso, wuxuu wargeysku sheegay inay taageerayaan dalal dhowr ah,iyadoo warbixinta wargeyska lagu sheegay in heshiiskii saddex geesood ee dhex maray Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea uu ahaa sidii ciidammo ka socda dalalkaas oo aan qeyb ka aheyn waajibaadka AMISOM loo keeni lahaa Soomaaliya.

"Madaxweyne Farmaajo si cad ah uma sheegin inuu ka xun yahay Kenya, balse qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa qoraya in Saraakiishiisa sare ay wada hadalo kula jiraan Turkiga, Qatar, Itoobiya iyo Eritrea, si ay u taageeraan dhaq dhaqaaqyadooda milateri si Jubbaland loogala wareego ciidammada Kenya." ayaa lagu yiri warbixinta oo lagu sheegay in wada xaajoodkaas uu hoggaaminayo madaxa sirdoonka ee Soomaaliya, Fahad Yaasin , "Wuxuu heystaa Baasaboor Kenyan ah, laamaha amniga waxay sheegeen inuu u adeegsado si uu ugu kala safro Caalamka."

Dagaalka dhanka kheyraadka ah ee ay waddaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa ka dhigay in khatar soo wajahdo danaha Kenya, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu gadaal ka riixayo sidii ciidammada Kenya looga saari lahaa Soomaaliya.

"Maamulka Farmaajo waxay doonayaan in hoos loo dhigo AMISOM joogitaankeeda Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, wararka waxay sheegayaan in Farmaajo doonayo in Eritrea iyo Itoobiya soo galaan Soomaaliya, kyadoo ay jirto heshiis labada dhinac ah oo banaanka ka ah waajibaadka AMISOM," ayuu yiri wargeyska.

Warbaahinta Kenya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay warbixinno kala duwan ka qoreysay arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, kaddib khilaaf soo kala dhexgalay labada dal oo aysan Kenya qarsan taas oo dhalisay in xukuumadda Nairobi ay tir tirto dhowr heshiis ay la gashay Soomaaliya. Waxa ugu weyn ee la iskudiidanyahayna waa qorshaha ay ku dooneyso Kenya inay kula wareegto dhul badeedka lagu muransanyahay ee dacwadiisu taallo maxkamadda dambiyada caalamiga ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
5/23/2019 8:19 PM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka maaliyadda gobolka Banaadir.

5/23/2019 5:28 PM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

5/23/2019 2:04 PM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Kulankii Khamiislaha oo ay maanta yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay ilaa Shan Safiir oo uu ka mid yahay mas’uul horay uga tirsanaa xisbiga Kulmiye ee Soomaaliland dhawaanna soo gaaray magaalada Muqdisho.

5/23/2019 12:35 PM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

5/23/2019 11:45 AM EST
Khamiis, May 23, 2019 (HOL)- Hal qof ayaa lagu dilay deegaanka Ceel-af weyn hoos yimaada ee gobolka Sanaag, taas oo keentay inay dadkii deegaanku ka naxeen maadaama oo muddo dhow uun la dhameeyey dilal beeleed ka dhici jirey deegaankaasi.

5/23/2019 10:45 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey,Yao Shaojun oo hadal ka jeediyay kulan gaar ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay wali dalka ku yaalla geeska Afrika inuu u baahanyahay taageero ballaaran.

5/23/2019 9:56 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu gacanta lagu dhigay shaqsi doonayay in uu isku qarxiyo munaasabad ay lahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna.

5/23/2019 9:39 AM EST
Khamiis, May 23, 2019 (HOL)- Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xidhay ka dib markii uu suuqa la yimid isagoo xidhan dhar ka samaysan calanka Soomaaliya ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodi jeex la hor keenay si loo dhagaysto dacwadiisa.

5/23/2019 5:00 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddeysay in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin.

5/23/2019 4:50 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir ,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hal fadhi kala soo muuqday mas'uuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

5/23/2019 3:53 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Jaamacadda Osgoode Hall Law School, oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee sharciga laga barto ee dalka Canada ayaa abaalmarin gaar ah siisay marxuun Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo siddeedii bishii Maarso ee sannadkan ku geeryooday magaalada Dubai.

5/23/2019 3:13 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay.

5/23/2019 2:40 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Xukuumadda Moscow ayaa caro ka muujisay waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot.

5/23/2019 2:29 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug oo kulan labo geesood ah shalay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ku heshiiyay dhismaha guddi farsamo oo ay xubno ka noqon doonaan golaha wasiirrada ee labada dowlad-gobolleed.

5/23/2019 1:51 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku–xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan oo la hadlay Idaacada VOA ayaa ka warbixiyay mowqifka maamulka Jubbaland ee la xiriira khilaafka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

5/23/2019 1:27 AM EST
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)–Rag hubeysan ayaa xalay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir gaar ahaan Daarta Xaaji Gaaboow waxaa ay toogasho ku dileen Labo ruux oo ganacsato ah oo siweyn looga garanayay xaafadda ay toogashadu ka dhacday.