4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay gantaal loo genay dhanka magaalada Makka Al Mukarama

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-  Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddeysay in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin.

"Waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo inta ku daray "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay boggaadinaysaa Ciidammada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada magaalada Dhaa'if, kuna jihaysnaa magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada magaalada Jidda."

Sacuudiga ayaa weerarro kala kulma kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo marar kala duwan gantaalo ku soo ganay gudaha magaalooyinka Sacuudiga,iyadoo Sacuudiga iyo xulafadiisa ay ka wadaan gudaha dalka Yemen weerarro ka dhan ah xuutiyiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]