4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Jaamacad ka mid ah kuwa ugu weyn ee sharciga laga barto dalka Canada oo aqoonsi gaar ah siisay marxuun Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)-  Jaamacadda Osgoode Hall Law School, oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee sharciga laga barto ee dalka Canada ayaa abaalmarin gaar ah siisay marxuun Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo siddeedii bishii Maarso ee sannadkan ku geeryooday magaalada Dubai. Waxaana guddoomay abaalmarinta qoyska marxuun Xoosh.

Allaha u naxaristo Cabdiraxmaan Xoosh , ayaa cilmiga sharciga ka bartay Osgoode Hall Law School oo uu markii dambe garyaqaan ka soo noqday, wuxuuna ka mid yahay tiro yar oo Soomaali ah oo illaa hadda ka qalinjabisay Jaamacadda Osgoode Hall Law School oo lagu xushmeeyo cilmiga sharciga.

Jaamacadda Osgoode Law School ayaa u aqoonsatay AUN, Cabdiraxmaan Xoosh  inuu yahay nin bulshadiisa iyo umadda uu ku dhex noolyahay wax u qabtay oo uu horseeday isbeddel ,taas oo keentay in jaamacadda ay hadda guddoonsiiso marxuun Cabdiraxmaan Xoosh abaalmarinta sarre ee dhinaca sharciga ah oo la gudunsiiyo dadka heerarka sare ka gaara sharciyada ee haddana waxqabad muujiya. Maamulka jaamacadda Osgoode Law School , ayaa si dheer uga sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa iyo saameyntii uu jaamacadda ku lahaa marxuun Cabdiraxmaan Xoosh ,iyagoo marka ku tilmaamay shaqsi dunidda kaga tagay taariikh.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xubno ka mid ah ay ka qeybgaleen munaasabadda abaalmarinta loogu aqoonsaday marxuun Cabdiraxmaan Xoosh oo wasiirka dastuurka labo mar ka soo noqday Soomaaliya iyo xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay shaqadii wanagsaneyd ee uu dalka ka qabtay.

Allaha u naxaristo Cabdiraxmaan Xoosh , ayaa lagu xushmeeya qof heer sarre ka gaaray cilmiga sharciga,wuxuuna door weyn ku lahaa dadaallada lagu dhammeystirayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]