4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2019
Puntland iyo Galmudug oo dhisaya guddi farsamo

Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug oo kulan labo geesood ah shalay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ku heshiiyay dhismaha guddi farsamo oo ay xubno ka noqon doonaan golaha wasiirrada ee labada dowlad-gobolleed.

Guddiga waxay shaqadiisa noqonaysa sidii ay joogto isaga warheyn lahaayeen labada dowlad-gobolleed,waxaa intaa dheer guddiga farsamo ee heer wasiir inay diirrada saarayaan wada-shaqeynta iskaashiga arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Maamullada ayaa sidoo kale isku afgartay inay mowqif mideysan ka yeeshaan dhinacyada amniga, nabadda iyo dhismaha dowladnimada federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka hoggaamiyeyaasha labada dhinac ayaa noqonaya midkii ugu horreyay tan iyo doorashadii madaxweynaha Puntland ee Siciid Deni, balse labada dhinac waxaa ay kulanka ku muujiyeen isku soo dhawansho iyaga oo marka si wadajir ah u sheegay inay uga shaqeyn doonaan nabadgalyada iyo horumarka gobolka Mudug oo ay ka wada-taliyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]