Jubbaland oo ka hadashay sida ay u aragto khilaafka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya
Khamiis, May, 23, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku–xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan oo la hadlay Idaacada VOA ayaa ka warbixiyay mowqifka maamulka Jubbaland ee la xiriira khilaafka Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweyne ku-xigeenka oo u muuqda shaqsi ka
afgobaadsanaya in uu eedda saaro Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga
baahan yahay in ay cadeyso halka ay dhibtu ka jirto, madaama ayuu yiri Kenya
tahay dal mudd 30 sano xiriir joogta ah oo la laheyd Soomaaliya.
‘’Dabcan waad ogtihiin 30kii sano ee ugu
danbeeyay Annaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeyay iskaashi Amni, iyo xiriir wanaagsan, wixii kalifay in uu xiriirkaa xumaado waxaan rabnaa in ay dowladda
Soomaaliyeed cadeyso, ‘’ ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay martigalisay qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed, islamarkaana ay jirto xudduud dheer
oo kala dhaxeysa Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in sidoo kale Kenya tahay halkii
lagu soo aas-aasay dowladdii ugu horeysay ee KMG aheyd oo muddo saddex sano ah
la fadhiyay.
‘’Kenya waad la soctaan waxaa ku sugan Qaxootiga
ugu badan ee Soomaaliyeed, xudduud dheer –beynu leenahay, dowladnimada maanta
jirta waa halka lagu soo aas-aasay oo muddo saddex sano ah la fadhiyay, niyad
wanaag ayeey intaa noo muujineysay iyo in ay Soomaaliya nala dhisto’’ ayuu yiri
madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.
Wuxuu sheegay in Jubbaland uu xiriir gaar ah kala
dhaxeeyo oo kaliya hay’addaha Amniga quseeya ee Kenya oo aan siyaasada wax
shaqo ah ku laheyn, sidaa daraadeed ayuu sheegay in Wasaarradda Arrimaha
dibadda Soomaaliya looga dhafiyo in ay cadeyso halka ay wax ka qaldameen.
Mar wax laga weydiiyay sida ay u arkaan mas’uuliyiintii
dhawaan laga soo celiyay magaalada Nairobi ee ka tirsanaa dowladd federaalka
ayuu yiri’’ Runtii waa wax laga xumaado in mas’uuliyiin howl-Qaran
u socday la soo celiyo, laakiin waa in laftirkeeda baaritaan lagu sameeyo
sababta keentay in la soo celiyo iyo in ay iyagu qaladka lahaayeen’’ ayuu
hadalkiisa sii raaciyay.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa
xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo
Kenya, kaas oo aan weli xal loo helin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]